Masuuliyiin katirsan Hirshabeelle oo ku dhintay Qaraxyo lala beegsaday xerada Lama-galaay ee Beledweyne

Published: October 3, 2022

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay laba Qarax oo is xigxiga oo goordhow ka dhacaday Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baledweyne

Sida laga soo xigtay dad goobjoog ah labo baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weerarray xerada lama galaay oo ku taala bartamaha Beledweyne.

Wasiirkii Caafimaadka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Dr. Sekeriye Hurre iyo Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Hiiraan ee maamulka iyo maaliyadda, Abuukar Maadeey ayaa kamid ah dadka ku geeryoodey qaraxyada xerada Lama-galaay ee Beledeeyne, sida uu xaqiijiyey Wasiiru-dowlaha Warfaafinta maamul kaasi.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kale isugu jira dhimasho iyo dhaawacbe balse weli lama xaqiijin tirada rasmiga ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Amniga Beledweyne oo goobta ay qaraxyadaasi ka dhaceen gaarey ayaa xiray wadooyinka soo gala, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay.

Horseed Media