Masuuliyiin katirsan Koofur Galbeed oo gaaray Degmada Diinsoor

Published: August 17, 2022

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi ayaa gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Wadiga waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada KGS Maxamuud Maxamed Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Bay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Biano & Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed Yoonis Aadan Xasan.

Wafdiga Wasiirka Amniga Koofur Galbeed ayaa tagay xeryaha Ciidamada Federaalka, Daraawiishta & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa Itoobiya, waxa ay kulamo gaar ah la qaateen saraakiishii ay la kulmeen.

Sidoo kale wafdiga ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Diinsoor waxa ay kawada hadleen wax ka qabashada go’doonka saaran degmadaas.

Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi ayaa ballanqaaday in uu wax ka qabanayo go’doonka saaran Degmooyinka Gobolkaas lana fulinayo howlgallo la isugu furayo isu gudubka Gaadiidka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *