Masuuliyiin Musuqmaasuq Loo Haystay oo Maxkamada Gobolka Bari Sii Daysay

Published: March 2, 2020

Maxkamada rafcaanka ee gobolka bari ayaa maanta baabiisay oo sii daysay labo masuul oo ka tirsanaa wasaaradda kalluumaysiga Puntland, kuwasoo oo loo haystay eedaymo Musuqmaasuq.

Maxkamada ayaa jabisay xukunkii Maxkamada derejeda Kowaad ee gobolka Bari ay 9 Bishii Febraayo ee la soo dhaafay ku riday Maxamed Cali Muuse iyo Mahad Cali Carcar oo lagu soo eedeeyay foojariyayn iyo been abuurid documentiyo cashuureed oo ay leedahay wasaaradda kalluumaysiga Puntland

“maxkamadu waxay go’aamisay in la baabiiyay kiiskii lagu soo oogay Maxamed Cali Muuse iyo Mahad Cali Carcar, Maxkamadu waxay u cuskatay qodobada 115 iyo 13 ee farqada saddexaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Maxkamada Derejada Kowaad ayaa Maxamed Cali Muuse oo ahaa Agaasimaha waaxda kalluumaysiga ku xukuntay saddex Sanno oo aha xariga halka Mahad Cali carcar oo ahaa isu-duwihii wasaaradda ee gobolka Gardafuu lagu waayay wax dambi ah.

Labo eedaysane ayaa sheegay inaysan wax dambi ah gelin.

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/185309912774363/

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *