Masuuliyiinta Puntland: Hawlgalka Gaalkacyo wuu sii socon doonaa – VIDEO

Published: August 9, 2020

Qaar kamid ah golaha wasiiradda Puntland iyo masuuliyiin kale ayaa si adag uga hadlay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taasi oo lagu dilay Taliyhii ciidamada Madaxtooyada Col. Cismaan Cumar iyo sarkaal kale.

Masuuliyiintan ayaa kala ahaa wasiirka maaliyadda Puntland, Xasan Shire, wasiirka amniga, Cabdisamad Gallan, taliyaha ciidamada booliska Puntland, Cabdi Yare iyo guddomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Sanyare.

Waxay tacsi u direen ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen taliyihii ilaalada madaxtooyada iyo askariga kale, iyagoo sheegay inay dowlada Puntland sii wadi doonto hawgalkan bilowday soona afjari doonto amni darradda gobolka Mudug.

Hoos ka daawo:

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/352969712375303

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *