Maxaa ka cusub dagaalka Ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab?

Published: July 26, 2022

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay dileen 85 kamid ah dagaalyahannada Shabaab isla markaana ay ka qabsadeen deegaanno badan.

Dagaalka Dowlad degaanka Soomaalida

Ciidamada militeriga ee Itoobiya ayaa ku biiray ciidanka Liyuu Booliska oo wado dagaal ka dhanka Al Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Itoobiya ayaa sheegay in la qaaday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyadoo shaley uu dagaal ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka Itoobiya uu la wadaago gobolka Hiiraan.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Dowlad Deegaanka ay sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 100 kla tirsanaa Al-Shabaab ah kuwaas la sheegay in xilliggaas ay isku hareereeyeen tuulada Huhlul oo ku taalla gobolka Afdheer kadib markii ay Shabaab kasoo tallaabeen tuulada Aato ee gobolka Bakool.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *