Maxaa ka cusub deegaanada Bariire iyo Awdheegle kadib weerarkii shalay?

Published: April 4, 2021

Xili shalay Alshabaab ay weerar ku qaadeen deegaanada Awdheegle iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka waxa ay soo bandhigeen meydadka 75 kamid ah Maleeshiyaadka Al Shabaab looga dilay dagaalka ka dhacay Awdheegle.

War lagu baahiyay idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka sida ayaa lagu sheegay howlgalo lagu baacsanayo firxadkii dagaalamayaasha AlShabaab ay ka socdaan deegaanada ku teedsan Awdheegle.

Dhanka kalena Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee kusugan Bariire ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay soo bandhigi doonaan dagaalamayaashii Alshabaab looga dilay dagaalka ka dhacay Bariire.

Taliyaha ururka 143 ee guutada 14 october Dhamme Ahmed Xasan Siyaad oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku raad joogaan Baxsadka Maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday deeganka Bariire sida uu sheegay.

Taliyaha ayaa Idaacada Ciidamada u sheegay in howlgal lagu soo qabtay rag ka tirsan Al-shabaab laguna raad joogo kuwa kale oo baxsad ah sida uu sheegay.

Warbaahinta taageerta Alshabaab ayaa dhankooda soo bandhigay sawiro gaadiid dagaal iyo qoryo ay sheegeen in ay ku furteen dagaalkii ka dhacay Awdheegle iyo Bariire.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *