Maxaa kasoo baxay Shirka Seddex Geesoodka ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Published: October 11, 2024

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay shirka seddex geesoodka ah ee dhigooda Masar iyo Eritrea, kaasoo maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Asmara, waxay sheegtay in looga hadlay iskaashiga difaaca marin baddeedka Badda Cas, xili Masar isu diyaarinayso inay ku biirto wadamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ereteriya Mudane Asias Afwerk iyo Masar Mudane Cabdullfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, halkaas oo ay ku falanqeeyeen arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga saddex-geesoodka ah iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Shirkan oo muhiimad gaar ah leh ayaa Madaxdu isku weydaarsadeen aragtiyo iyo qorsheyaal ku saabsan xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka, taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, caqabadaha amni ee saameeya dalalkan kulaala Badda Cas iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa ilaalinta iyo nabadgelyada marin badeedkaasi.

Madaxweynayaasha oo ay wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar ayaa adkeeyey in iskaashi dhow iyo wada shaqeyn joogto ah lagu xallin karo caqabadaha ka jira gobolka, waxayna isla qaateen in la xoojiyo xiriirka dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalalka Masar, Cabdulfataax Alsiisi, iyo Ereteriya, Asias Afwerk, sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dalalkan bahwadaagta ah, isagoo soo bandhigay aragtida dowladda Soomaaliya ee ku salaysan daris wanaagga iyo ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Horseed Media