Baarlamaanka oo diidey codsi uga yimid Madaxweynaha ee iibka guriga degmada Garoowe!

Published: July 30, 2022

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad , Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta waxaa Ajandayaashiisa ka ahaa;

  1. Ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021
  2. Xasaanad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada &Tacliinta Sare PL
  3. Ansixinta xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland – TPEC
  4. Dhageysiga Warbixinta Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad
  5. Ansixinta Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe

Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillad PL Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey, akhriska 2-aad-na ku samaynayey Xisaab-xirka Sannad-maaliyeedka 2021, sida uu qabo Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee ah Habka loo ansixiyo Xisaab-xirka Miisaaniyadda, kadib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada PL.

Guddiga ayaa Odoraska miisaaniyadda sannadka 2021 ee Goluhu ansixiyey ku sheegay in laga filayey gudaha lacag dhan $94,085,580, waxaase dhab ahaan u soo xarooday $79,170,096, una dhiganta 84.15% waxaana muuqda is-dhin han $14,915,484 una dhiganta 15.85%

Sidoo kale, waxaa jira lacag laga filayey Mashriicda Bankiga Adduunka oo Odoroskiisu ahaa $27,556,092, waxaana ka soo xarooday $14,213,358 iyadoo is-dhinku yahay $13,342,734 in la waayey filashadii Mashriicda Bangiga Adduunka ee 2021, Xisaab-xirka waxaa loo diyaariyey hab waafaqsan nidaamka Xisaabaadka kaashka caalamiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash Basis, Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 36 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 9 xubnood sidaas ayey ansax ku noqtay Xisaab-xirka 2021.

kalfadhiga oo sii furnaan doona

Sidoo kalena, Golaha waxaa hor-yimi Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad

Labada Guddiyadda ayaa Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta shaqooyinka loo xil-saaray, waxayna Golaha ka codsadeen inay u baahan yihiin wakhti dheeraad ah, mandama la gelayo maalmaha fasaxa ee Xuska sannad-guuradda 24aad ee aas-aaska Dawladda Puntland,waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 5 xildhibaan, sidaas ayaana Golaha ugu codeeyay inuu Kalfadhiga 50aad wakhti dheeraad ah lagu daro siina furnaado illa inta laga soo dhammeystirayo Maxkamadda Sare iyo Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad.

Iibka Guriga Dowaldda Hoose Garoowe

Ugu dambeyntii, Waxaa Golaha lala wadaagay warqad codsi ah oo Madaxweynaha DPL ku codsanayey IIbka dhulka Dawladda Hoose ee Garoowe kaas oo cabirkiisu dhan yahay 30X90 laguna iibiyo tartan furan sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 52aad farqadiisa 3aad, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 5 Xildhibaan, Diidmo 27, Aamus 11, Golaha Wakiillada ayaana sidaa ku diiday Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Garoowe.

Fadhiga maanta ayaa waxaa ka qeyb-galay Arday ka socotay 15 Dugsi oo ku yaal guud ahaan Goboladda Puntland si ay wax uga oggaadan shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *