Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha shacabka?

Published: June 15, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo labadiisa ku-xigeen oo maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1-aad Kulankiisa 11aad ee Golaha.

Kulanka oo Ajendihiisu ahaa dhamaystirka akhrinta koowaad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, ayaa waxaa Golaha  Baarlamaanka JFS hortooda ka aqriyey qaar ka mid ah Xildhibaanada.

Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo ah udub dhexaadka aas-aasiga ah  ee Baarlamaanka kaas oo sharaxaya ku dhaqanka sharciga iyo waxyaabaha ka reeban cida ay quseeyso, iyadoo loo maraayo habka waafaqsan dastuurka iyo wadashaqeynta Baarlamaanka iyo Hay’addaha kale ee dowladda.

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka xildhibaanda u sheegay in Guddi loo soo xuli doono, xubnahaasi oo ka soo shaqeyn doona turxaan-bixinta Xeer-hoosaadka Golaha, waxaana uu Guddoomiyuhu intaasi ku daray in kulanka xiga la shaacin  magacyadooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *