Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirada ee Puntland ?

Published: March 23, 2017

Shirka golaha wasiirada Puntland-Soomaaliya oo uu shir gudoominayey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid ahaayeen ammaanka, la dagaalanka burcad badeeda, safarkii madaxweynaha , xaaladda abaaraha iyo shir weynihii dhalinyarada Puntland.

Xaaladda amniga dalka.

Golaha wasiirada Puntland ayaa ka dooday sidii loo adkeyn lahaa amniga dalka, isla markaana loo xoojin lahaa ciidanka qalabka sida iyo hay’adaha ku shaqada leh sugidda ammaanka dalka.

La dagaalanka burcad badeedda.

Golaha wasiirada Puntland ayaa ak warbixiyey sida ay ciidanka Puntland uga howl galeen markabkii ay burcad badeeda ku qabsadeen xeeb 15-ka bishan Maarso 2017 , waxay golaha wasiirada in ciidanka qalabka sida ee Puntland ay guteen waajibkoodii qaran iyagoo wata doonyaha ciidanka oo 5 ah iyo markab dagaal isla markana dhulka mariyey ciidan gaar ah.

Puntland waxaa ka go’an in xeebaha Puntland oo cabirkeedu dhan yahay 1,638 KM aan laga ogolaan doonin in ay ka howl galaan burcad badeed, isla markana Puntland sharciga hor keeni doonto cid kasta oo ku lug lahayd falkii lagvu waxyeelay falkaasi.

Xalaadda abaaraha.

Golaha wasiirada Puntland ayaa ku dheeraday in xaaladda abaartu marayso meel halis ah, sidoo kale ay magaalooyin waaweyn ay soo gaareen dad ay dhaafeen xoolihii oo fara maran, sidaa darteed loo baahan yahay in la sameeyo qorshe labaad oo dib loogu eegayo xaaladda abaaraha dalka.

Safarkii madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixyey safarkii uu u tagay dalalka Itoobiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabka oo uu kula soo kulmay shirkado dhawaan ka howl geli doona gudah Puntland , kuwaasi oo fulin doona mashaariicyo kale duwan oo kala ah balaarinta dekadda magaalada Bosaso, dhisamaha garoonka magalaada Gaalkacyo iyo wadada isku xirta Garowe iyo Eyl.

Madaxaweynaha ayaa sheegay in siyaasadda , horumarinta kaabo yaasha dhaqalaaha , wadooyinka iyo biyuhu ay yihiin kuwo Puntland looga saarayo go’doonka wax soo saarka khayraadka dalka ku jira, sdioo kale horumarinta kaabayaasha dhaqalaaha ay Puntland ku xir doonto adduunka istiisa kale.

Sidoo kale madaxweynah Puntland aya ala kulmay madax kale duwan uwaasi oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka Puntland iyo dallaka deriska la ah.

Shirweynha dhainyarada Puntland.

Puntland ayaa qabatay shirweynaha dhalinyarada Puntland oo looga hadlay kor u qaadista wacyi gelinta, siyaasadda iyo qorshaha dhalinyarada Puntland,

Shirweynahaasi ayaa lagu casuumay maamulada Koofur-Galbeed Soomaaliya, Galmudug, Banaadir, HirShabeelle iyo Jubbland si ay uga helaan waayo aragnimo iyo is dhexgal dhalinta Soomaaliyeed guud ahaan.

Ugu dambeen golaha wasiirada Puntland ayaa warbixn ka dhegeystay wasaaradaha duulista hawada oo dhawaan bilaaweysa duulmaadyo caalami ah oo toos ah iyo wasaaradda xanaanada xoolaha.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *