Maxaa looga hadley shirkii golaha wasiirada ee Puntland?

Published: September 21, 2023
Shares22

Golaha Xukuumadda ee Dowladda Puntland ayaa maanta isugu yimid shirkoodi caadiga ahaa ee Khamiis kasta, shirkan waxaa guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cailmi Cismaan, maadaama madaxweyne Siciid Deni bishii labaad uu safar isaga gaar u ah dalka uga maqan yahay.

Shirka golaha xukuumadda ayaa looga hadley:

  • Amniga,
  • Buug ka mid ah manaahijta Puntland oo muran dhaliyey,
  • Gurmadka dabka Milxo iyo
  • Doorashooyinka goloyaasha deegaanka.

Golaha Wasiirada kadib markii uu dood ka yeeshay khaladaadka Dastuuriga ah ee ku jira Buugga Taariikhda ee Manhajka fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare ee Puntland, wuxuu Goluhu go’aamiyey:-

  1. In la buriyey in wax laga barto Buugta khaladaadka Dastuuriga ah lagu helay ee ah Maadada Taariikhda Fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare ee Puntland, Lana soo xereeyo dhammaan Kuwa sida khaldan u daabacan.
  2. In heshiiskii Shirkada Daabacday Manhajka la joojiyey gabi ahaanba.
  3. In Xeer ilaalintu baaritaan deg-deg ah sameyso si sharciga loo horkeeno cidii Denbiga gashay.

Buugga muranka dhaliyey ayaa jaantuska khariida dalka Soomaaliya loo dhigey hab khaldan iyada oo la doonaayo in la muujiyo maamulada dalku sida ay u qaybsan yihiin ayaa gobolka Mudug lagu darey Galmudug, halka Sool, Sanaag iyo Cayn lagu daray Somaliland.

Dhanka kale golaha Xukuumadda ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ka dhegaystey warbixin ku saabsan dhismaha goloyaasha deegaanka, waxaana ay sheegtey in la dhisey kala bar 30 degmo ee doorashooyinku ka dhaceen, waxa jira magaalooyin loo diidey wasaaraddu kadib markii la didey in Xldhibaanadu dhexdooda is doortaan waxaana kamid ahaa Bur-saalax iyo Burtinle. Golaha xukuumaddu waa bogaadisey habka wax loo wado oo ah in Xisbiyadu ku heshiiyaan kadibna iyagu dhisaan oo magacaabaan guddoomiyaasha oo xildhibaanadu aysan wax door ah ku yeelan.

Goluhu wuxuu warbixin ka dhegaystay Guddiga gurmadka deegaanka Milxo, waxayna Golaha la wadaageen in ay gurmad isugu jira Raashin, Hu’ iyo agab caafimaad gaarsiiyeen 400 oo qoys oo uu saameeyay dabkii ka kacay Milxo, waxay Sidoo kale la wadaageen Golaha qorshaha Gurmadka , baahiyaha ka jira deegaanka iyo Sidii loo sii dardargelin laha gargaarka iyo garab istaaga dadka deegaanka Milxo.

Horseed Media