Maxaas: Madaxda Hirshabeelle oo gargaar raashin ah ugu deeqay ku dhowaad 500 qoys oo danyar ah

Published: August 19, 2022

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta qeybiyay gargaar raashin ah oo ay ugu deeqeen ku dhowaad 500 oo qoys oo danyar ah oo ku nool degmada Maxaas.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa maalmahaan u jooga degmada maxaas u kuurgalka xaaladaha nololeed ee ka jira degmada maxaas oo kooxda Al-shabaab ay ka jareen anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta.

Sidoo kale degmadaasi waxaa kusoo barakaceen qaar kamid ah dadkii deganaa tuulada Taadeen oo ay Al-shabaab ka burburiyeen guryihii iyo ceelashii ay biyaha ka cabi jireen.

Madaxweynaha sidoo kale deeq raashin ugu deeqay tuulooyinka dhowr ah oo hoos yimaada degmada maxaas oo kamid ah deegaanada laga saaray Ururka Al-shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *