Maxakamadda ICC oo amartay in la soo xiro madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

Published: March 17, 2023
Shares2

Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada adduunka ee ICC ayaa soo saaray warqad xarig taasoo ku wajahan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo wakiilkiisa xuquuqda carruurta.

Bayaan ay soo saartay ICC ayay ku sheegtay in looga shakisan yahay dambiga dagaal ee ah in caruur si sharci darro looga tarxiilo Ukraine lana geeyo Ruushka.

Ruushka ayaan xubin ka aheyn Maxkamdda ICC, mana cadda sida ay ICC u qorsheyneyso inay u dhaqan-geliso amarka.

ICC ayaa sheegtay in dambiyada ay soo billowdeen 24-kii Febraayo 2022, markaasi oo Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Horseed Media