Maxay dowlada qanadaraas ugu bixinaysaa sameynta iyo naqshadeynta calanka dalka

Published: August 1, 2018

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in qandaraas lagu bixinayo naqshadeynta calanka saxda ee Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in shirkadaha iyo ganacsatada ku shaqada leh arintan ay tartan ka geli karaan sameynta iyo nashqadeynta calanka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxaana intaa loogu daray in tan iyo burburkii dowladii dhexe ee dalka uusan jirin hal calanmidabkiisa uu sax yahay oo la isku raacsan yahay, waxaana taa ay keentay in xafiisyada dowlada ay yaalaan calamo kala duwan sida qaar ah buluug qafiif ah,buluug madow ah, buluug dhexe iyo weliba xiddigo kala jeeda kuwaasoo aan sax aan sax ahaanshihiisa la hayn.

Heshiiska Ganacsi ee wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ay ku bixinyaso qandaraaska naqshadeynta calanka ayaa noqonaya tartan daahfuran oo shirkadahu ay ku daabacayaan calan Soomaaliyeed oo muddo toban sano ah kadib la geynayo xafiis iyo goob walba oo dalka kamid ah.

Shuruudaha shirkadaha u tarmaya qandaraaskan ayaa wasaarada ganacsiga waxa ay ku sheegtay in ugu dambeyn lasoo saari doono natiijada shirkadaha soo buuxiya shuruudaha isla markaana uu soo saarayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye.-

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *