Maxay ka dhigan tahay siideynta kooxda Daacish ee lagu qabtey Puntland?

Published: May 16, 2024

Sanadkii 2015 koox ka tirsaneyd al-Shabaab ayaa uga dhawaaqey Soomaaliya gaar ahaan gobolka Bari in ay ku biireen Daacis/ISIS. Ururka la baxay Dowladda Islaamka ama Daacish waa waana heer caalami taas oo soo jiidatey in ajaanib u badan Itoobiyaan ay ka mid noqdaan xubnaha ugu badan ee ku sugan gudaha Puntland.

Ururka Daacish waxaa si weyn loogu yaqaanaa in ay yihiin koox si ba’an ugu hawlan ururinta lacagta iyaga oo baad ka qaada shirkadaha ganacsatada iyaga oo isticmaalaya qaababka kooxaha maafiyada ah ee ka dhisan koonfurta Ameerika.

Bishii Febraayo dhamaadkedi ee sanadkan 2024 maxkamadda ciidanka ee Puntland ayaa dil ku xukuntey koox ajaanib ah oo badankood ka yimaadeen Marooko kuwaas oo lagu helay in ay dalka u yimaadeen ka mid noqoshada Daacish iyaguna qirteen. Kooxda dilka lagu xukumey waxaa laga soo qabtey buuraleyda Cal Miskaad ee gabbaadka u aheyd ururka Daacish ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin.

Daacish ayaa sanadihii lasoo dhaafay qaraxyo iyo dilal qorshaysan ka fulisay gudaha magaalada Boosaaso iyadoo todobaadkan bumbo gacmeed ku weerartay shirkadda Bulsho halka ganacsatada Boosaaso ay ka qaado lacago baad ah ayna ku hayso khatar curyaamisey ganacsiga.

Dowladda Marooko oo dagaal adag kula jirtey ururka Daacish kama hadlin arrinta muwaadiniinteeda dilka lagu xukumay, waxaa qoraal soo saarey ururo isku sheega in ay yihiin Calmaaniyiin ka soo horjeeda xukunada dilka ah gebi ahaantiis (MOROCCAN COALITION AGAINST THE DEATH PENALTY) ayaa dowladda Marooko ugu baaqey in ay soo fara geliso, Sida xogtu sheegayso dowladda Marooko waxay si weyn ula socotey xubnahan u jihaad doontey buuraha calmiskaat ee Soomaaliya.

13-kii May 2024 fadhi ka dhacay xafiiska taliyaha ciidanka asluubta ee xabsiga Garoowe ayaa la sheegay in la siiyay 6 nin oo Marookaan ah kadib markii guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ku hadlaaya afka carabiga uu sidaas ku dhawaaqey, maxkamaddu ma ahayn mid soo martay hannaankki iyo nidaamkii xukunka waxaana ay ka dhacdey goobteedi meel aan hayan, mana jirin nidaam rafcaan oo loo marey siideynta.

Siideynta kooxdan ka tirsan Daacish ee laga soo qabtey buuraleyda Cal Miskaat ayaa xogtu sheegaysaa in ay iska kaalmeystey saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee Puntland oo heshiis la galay Daacish iyo koox kale oo horey looga shakisanaa ka mid ahaanshahooda Daacish sida ay sheegayso xog ay heshay warbaahintu.

Daacish oo kamid ah ururada argagixisada kuwa ugu daran ee ganacsatada ka qaada lacagta baada ah ayaa wararku sheegayaan in ay ku bixiyeen dhaqaale badan sidii nimankan loo sideyn lahaa.

Kadib markii lagu dhawaaqey siideynta kooxdan ka tirsaneyd Daacish, waxaa Boosaaso ka dhacay qarax loo geystey shirkadda ganacsiga guud ee Bulsho habeenkii Arbacadu soo geleysey, taas oo la aaminsan yahay in ay xiriir la leedahay lacagaha baada ah ee Daacish.

Haddaba isku xiranka Daacish oo dhaqale xooggan ka sameysey dhibaateynta shacabka Puntland iyo saraarkiil ka tirsan laamaha amniga ayaa khatar weyn ku keeni kara guud ahaan amniga mandqada waxaana uu xagal daacin ku yahay la dagaalanka argagixisada si loo ilaaliyo bed-qabka muwaadiniinta.

HORSEED MEDIA