Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Antony Blinken?

Published: May 26, 2022
Xassan Sheekh maxamuud iyo Antony Blinken

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony J. Blinken ayaa khadka teleefonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xoghaye Blinken ayaa ugu hambalyeeyay doorashadiisa, waxaana ka wada hadleen danaha labad dal wadaagaan, taageeridda Soomaaliya oo ku socota waddada dimuqraadiyadda iyo xasilloonida.

Labada dhinac waxay ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, iyo dib u habeynta dhaqaalaha ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada Soomaaliya ee deyn cafinta.

Antony Blinken isagoo xusaya go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in ciidamada Mareykanka ay dib ugu soo celinayaan Soomaaliya si joogta ah, xoghayuhu wuxuu u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya taageerada joogtada ah ee dadaalka ay Soomaaliya iyo Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta kooxaha argagixisada ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *