Maxay ka wada hadleen Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxda dowlad goboleedyada?

Published: March 29, 2021

Madaxweyneyaasha 5ta dowlad goboleed ee Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo maanta ku kulmay Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada iyo sidii loo xalin lahaa.

Kulankan oo qeyb ka ah dadaalada lagu doonayo in isfaham looga gaaro khilaafka doorashada ayey beesha caalamku sheegtay inuu yahay mid lagu doonayo hirgelinta heshiiska doorashada ee 17 September iyo in dalka doorasho lagu mideysan yahay ka dhaco.

“ Waxaan ku faraxsanahay in la igu casuumay kulan ay igu wehliyeen saaxiibbada kale ee caalamiga ah si aan wada-hadal ula yeelanno shanta hoggaamiye ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar”

Beesha Caalamka

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku dooneyso in madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay heshiis rasmi ah uga gaaran khilaafka ka taagan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya, madaxda Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaana horey is faham uga gaaray shuruudaha madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ugu xireen ka qeyb galka Shirka guud ee Madaxda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *