Maxay tahay caqabadda hortaagan ku dhawaaqista xildhibaanada Galmudug?

Published: December 30, 2019

Weli waxaa caqabado ay horyaallaan Xuslita Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo wajiyo dhowr ah soo marey,waxaana ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo soo xulin Baarlamaanka Cusub ee Galmudug marka laga reebo Xildhibaannada la siiyay Ahlusunna.

Maanta oo ah 30ka Bisha December ayaa waxaa ay ku beegan tahay Maalinta Guddiga doorashada Galmudug ay u asteeyeen in lagu dhawaaqo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug,hayeeshee ay u muuqato in ay dib u dhacayaan xilliyada loo asteeyey xulista Xildhibaannada iyo doorashada hoggaanka Sare ee Galmudug.

Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug ayaa horey waxaa ay u soo saareen jadwalka doorashada Galmudug iyo xulista xildhibaannada balse uusan dhaqan gelin,hayeeshee ay mid kale soo saareen kaas  oo u muuqda mid aan weli dhaqan gelin.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in isqab qabsi uu ka dhex-jiro Beelaha qaar oo ku aadan xulista Xildhibaannada,waxaana jira Beelaha qaar oo sheegay in Xubmihii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Galmudug laga siiyey urur gaar ah oo ay ula jeedaan Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *