Maxay tahay sababta DFS ku diidan tahay in ay la tashato Dowlad Goboleedyada?

Published: June 4, 2020

Waxaa si weyn isu soo taraya baaqyada loo jeedinaayo Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wadatashi la samayso Dowlad goboleedyada dalka ka jira, si loo qabto doorasho loo dhan yahay, amni ah, laguna wada qanacsan yahay. Laakiin Dowaldda Federaalka ah ilaa haatan kama jawaabin baaqyadaas.

Xiligii xafiiska loo idmadey Goloyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaa ka harsan bilo yar, muddo sanad ka hor ah ayaa isugu danbeysey shir ay isugu yimaadaan Dowlad goboleedyada iyo Dowladda federaalka kaas oo fashil ku dhamaadey, kadib markii Dowaldda federaalka ah si cad u diidey soo celinta Golihii wadatashiga ee Madasha Qaranka, sidoo kale ay diidey in wadatashi laga yeesho Sharciga Doorashooyinka oo markaas Baarlamaanka yaaley.

Labadii shir ee u danbeeyey ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesho Soomaaliya waxay si weyn uga hadleen in Dowladda Federaalka ah qaadato door masuuliyadeed oo wada hadal degdeg ah isugu keento Dowlad Goboleedyada si dalka loogu diyaariyo in doorashooyin ka dhacaan.

Ilaa hadda Dowaldda federaalku dheg jalaq uma siin baaqyada loo dirayo, waxay si toos ah u wadaa maamulida iyo diyaarinta arrimaha doorashooyinka.

Dowladda federaalku waxay dooneysaa;

  • In Dowlad goboleedyadu aysan wax awood ah ku yeelan habka siyaasadeed ee Doorashooyinka Qaranka.
  • Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in Goloyaasha Baarlamaanku ay arrimahan go’aan ka gaaraan oo dejiyaan iyada oo sheegaysa in ay raaceyso dastuurka kumeel-gaarkam ah.

Maxay tahay labadan arrimood danta ugu jirta Madaxweynaha iyo in badan oo kamid ah Goloyaasha Baarlamaanka, waa wax la fahmi karo waxaana ay isku dayeysaa, Wakhti dheeraad ah hesho isku daydo in ay Injineer ka noqoto habraaca doorashooyinka.

Haddaba markasta oo Dowladda Federaalku ay dib u sii dhigto in ay qaadato masuuliyadeeda ku aadan wada hadal la furto Dowlad goboleedyada dalka ka jira, waa markasta oo xiliga doorashadu dib u sii dhacayo.

Doorasho ma dhici karto iyada oo Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu aaney heshiis ka ahayn sidaas darteed waxay ciyaarayaan kaarka ku darsiga taas oo iyaga ay u tahay mid aysan waxba uga khasaareyn.

Haddaba su’aasha halka milyan oo dollar ah waa Xagee Dowladda Federaalka ah doorashada ku qaban doontaa, haddii aysan wada hadal degdeg ah la furin Dowlad gobleedyada, furid la’aanta wada hadalka Dowlad goboleedyada ayaa muujinaya in Dowaldda federaalku aysan dooneyn in ay qabato doorasho xiligeedi ku dhacda.

Dhanka kale waxaa muuqata kala qaybsanaan weyn oo u dhexeysa Dowlad goboleedyada oo ku aadan siyaasadda dalka, haddii uu jiri lahaa culeys ay lee yihiin waa muuqan lahayd, waxaana meesha ka baxay iskaashigii Dowlad Goboleedyadu ay lahaan jireen, tan oo fursad kale Dowladda u siisey in aysan cidna u joojin.

Qore: Maxamed Cismaan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Cinwaanka markaan arkay, waxaan is lahaa, waxyaabo cusub oo nuxur leh baad ka heleeysaa, laakiin waxaan ku arkay, waa war la qabo xiiso maleh, means cid walba waa ogtahay qolodii Villa wardhiigleey timaadaba waxeey noqotaa dictator xukun jecel.

  2. Horseedmedia Waan Idin Aqaan waxaad tageertaan Deni oo Fashilmay, shacabka puntland wuxuu Taageersanyahy Dawlada Federal ka somalia

    Door Muugda ayeey Kaqadatay Musiibadii gardo.
    Deni waa fashilmay waana xayawaan Idinkula lamid baatihiin