Maxay Tahay Sababta Keentay Inay Kenya Ka Baxdo Dacwadii Badda Ee Kala Dhexeysay Soomaaliya ?

14 March, 2021

Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da…

Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Kenya.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa go’aanka dowladda maxkamada ICJ u gudbiyay isbuucii la soo dhaafay xilli maalmo uun ay ka dhinayd bilaabashada dhageysiga kiiska.

“Kenya waxay rajeynaysaa inay maxkamadda ku wargaliso in aysan ka qeyb galayn dhageysiga kiiska ee bilaabanaya 15 March,” waxaa sidaasi lagu sheegay warqad uu xeer ilaaliyaha guud Kenya u diray maxkamadda.

Tallaabadan lama filaanka ah ayaa imanaysa iyada oo maalinta berrito ah loo ballansan yahay in maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada ay billowdo dhageysiga dacwadda muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Inkastoo xaalka kenya ahaa “ku qabso ku qadi meyside”. Xeerka maxkamada ayaa dhigaya ineey maxkamadu go’aan gaari karto hadaan dacweysanuhu ka soo qeyb gelin dhageysiga.

    Talabada hada kenya qaaday ayaa u furneyd markii xaalku bilow ahaa, iyadoo hadal ka biloowday inaan maxkamadu garta qaadi karin iyo iyadoo isku deyday ineey mar 4aad arinta dib loogu dhigo iyadoo sababeynteedu ay is burinayaan.

    Kenya waxaa hada rajo kaga jirtaa in somaliya u soo caban doonto 15 dawladood ee ku mudoobay golaha amaanka qaramada midoobay marka garta loo xukumo sida sharciga maxkamada icj ogal yahay lakiin anigu waxaan dhihi lahaa somaliya badaheeda ha ilaashato shirkadihii shidaalka goobta ka qodayna ganaxii ku socday haka qaado dabadeedna go’aan haka gaadho ineey la sii shaqeyn karto iyo ineey wadanka ka ceydhiso.

  2. Dhowr arimood oo Somalia Ka taagan ayaan aad ula yaabay, walwalna igu abuurtay.
    1. Badda Somalia iyo dhurwaa meel uu uga soon dhoco hantida dadka somaliyeed daydayin iyo hurdada Somalia Ku jirto.
    2. Xirfad siyaaso la aanteed, is qabqabsiga , Jaah wareeka siyaasadda, oo Assam garan Karin
    Sababta waxaan la hayn laysigu haysto, iyo shacabkii Somalia oo rajo la aanteed dhinac uu ujiifssdo
    La.
    3. Somalia waxay shalay Ka badbaaday duulaan kusoo wajahnaa
    Oo wali la filayo , mala helin Cid Somalia bad baadisa, oo cadaega gaarkaa iyo midka guud oo faraha badan Ka badbaadisa.
    4. Meeqa qof ayaa madax aysan waxba Ka ogayn raadin oo hab beel Ku raadin, iyo gaashaan buur qabil.
    5. Dadkaasu was dad Ka maran aqoon siyaasadeed , iyo Karti dad iyo Dal lagu hugaamiyo .
    6. Shacab Somalia waa siran yahay
    Oo mooryaan dhar usoo gashatay ayaa meel xun Ku Hausa.