Maxay tahay sababta ugu weyn ee ay tahay in Xildhibaanadu ku doortaan Shariif Sheekh Axmed?

Published: May 12, 2022

Taariikhdu markey tahay 15 Maajo, ee ku beegan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalku waxay dooranayaan Madaxweynihii dalkan hoggaamin lahaa afarta sano ee soo socota.

Shaki kuma jiro in Madaxweynaha la dooran doono uu hoggaamin doono mid kamid ah dalalka ugu dib dhacsan dunida, dhanka amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, deegaanka iyo dhamaan asaasiyaadka nolosha, dooroashadaas oo ay isu soo taageen 40 Musharax, taas oo ah mid dunida ku cusub, Haddaba, Shariif Sheekh Axmed oo kamid ah kuwa rajada weyn looga qabo in ay ku guuleystaan doorashada, muxuu yahay waxa uu uga duwan yahay Musharixiinta kale oo aan lagu gaari karin horeyna loogu soo tijaabiyey? waa su’aasha cinwaanka aan dooneyno in aan ka jawaabno.

Doorasho kasta oo dunidan ka dhacda waxay leedahay udub-dhexaad dadka wax dooranayaa ay ku kala saaraan musharixiinta tartameysa, dalalka horumarey ama soo koraya, waxaa kamid ah waxyaabaha badanaa doorashada tiir-dhexaad u noqda, Dhaqaalaha, Shaqada iyo Shaqo la’aanta, isbdelka cimilada, siyaasadda magan-gelyo-doonka, siyaasadda arrimaha dibadda, iyo arrimo kale, laakiin dalkeena waxkasta waa ka halaysan yihiin meel kasta oo la taabtaana waa boog danqaneysa, waxaase jira asaasiyaad noloshu u baahan tahay oo dunida inteeda badan horumar ka samaysay oo aan saameyn ku yeelan doorashooyinka waxaana kamid ah AMNIGA guud iyo Nabadgelyada.

Waxaa in badan oo shacabka Soomaaliyeed ah isku raacsan yihiin in Doorashadan udub-dhexaadkeedu yahay “wax ka qabashada amniga dalka”, haddii aan nabad jirin wax horumar ah dalkan lagama sameyn karo, koboc dhaqaale ma jiri karo, waxbarasho tayo leh, iyo magaalooyin horumarsan oo bilicsana ma jiri karaan. Haddaba waa kuma musharaxa ugu wanaagsan ee wax ka qaban kara AMNIGA horeyna loo arkey sida uu har iyo habeen ugu taagnaa sugidda amniga, la dagaalanka argagixisada, oo aan tuutaha dhigin.

Haddii aan isku dayno in aan ka jawaabno su’aasha cinwaanku xambaarsan yahay, waxaa dhici karta in maskaxdaada ay ku soo dhacdo, Shariif Sheekh Axmed waxa uu uga duwan yahay Musharixiin badan waa , Qof aan kibir badneyn(humble), tuug ahayn, Qabyaalad aqoon, Diin iyo akhlaaq leh, taasi waa sifooyinkiisa wanaagsan ee isaga u gaarka ah, laakiin jawaabta saxda ah maxay tahay?

Shariif Sheekh Axmed waxa uu dalka taladiisa soo qabtey xilli aad u adag oo Dowladdii kumeel-gaarka ahayd ay Muqdisho ka joogtey 6 degmo oo al-Shabaab ku haysteen, 10 ka kale waxaa ka talinaayey ururada al-Shabaab iyo ururkii burburay ee Xisbul Islaam la baxay. Sanadkii 2011 bishii Agoosto ayaa Dowladdii Shariif Sheekh Axmed waxay Muqdisho ka sifeysey ururka al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, taas oo keentey in xaafadkasta si nabad ah lagu tegi karo, waxay horseedey taabo gelinta tiirar muhim u ah Dowladnimada Soomaaliyeed, waxaana ka xusi karnaa

Qorista Dastuurka Federaalka

Waxaa la qorey dastuurtka ilaa maanta qabyada ah oo la doonaayey in Dowladii Xasan Sheekh ay afti u qaado, laakiin nasiib darro ilaa maanta qabyo ah, waxaana dastuurkaas ansixiyey cod-xambaarayaal bulshada metalaya oo ku dhaw 1000 qof.

Maareynta Macaluushii 2011.

Waxaa si wanaagsan loo maareeyey macaluushii ka dilaacdey gobolada koonfureed sanadkii 2011, taas oo keentey in ay yaraato qiyaasta markii hore la sameeyey in ay u dhiman karaan Macaluusha.

Soomaaliya u furan caalamka

Xilligii Dowladdii kumeel-gaarka ah ee Shariif Sheekh Axmed hoggaaminaayey, markii ay ku guuleystey in caasimadda iyo nawaaxigeeda laga sifeeyo al-Shabaab waxay keentey in Soomaaliya u furanto caalamka intiisa kale, oo ay yimaadaan duulimaadyo caalami ah oo toos ah, kadib booqashadii u horeysey ee madaxweynaha Turkiga Raccep Erdogan, taas oo caalamka ku soo jeedisey indhahooda, waxaana ka danbeeyey in madax badan oo caalamka ah timaado.

Ka bixitaankii Kumeel-gaarka

Waxaa dhabbaha loo xaarey in Dowladda laga saaro kumeel-gaarnimada oo ahayd caqabad weyn oo inaka hortaagan in adduunka aan ula hadli karno sidii dowlad oo kale, lana fariisan karno miiska gorgortanka.

Dalka gudihiisa oo Doorasho lagu qabtey

Kadib markii la sugey Amniga, waxaa markii u horreysey muddo dheer kadib dalka gudihiisa lagu qabtey doorashadii Baarlamaaniga ahayd sanadkii 2012, taas oo keentey in si rasmi ah looga baxo kumeel-gaarkii, soona afjartey Dowlad Soomaaliyeed oo dalka dibadiisa loogu soo dhiso.

Adkeynta Midnimada

Wada hadalada dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ayuu si dhab ah u bilaabey Shariif Sheekh Axmed si loo adkeeyo loona soo celiyo Midnimadii dalka, taas oo Dowladihi ka danbeeyey ay dabreen oo nooqotey mid socon weydey.

Doorashada sanadkan 2022, waxaa la fahamsan yahay in AMNIGU uu yahay mid aad u xun khatartuna aad u badan tahay, sidaas darteed Xildhibaanadu ma fahamsan yihiin in afarta sano ee soo socta ay tahay mid jaangoyn doonta nolosha mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed, ma u hiilin doonaan QARAN kan dhibaateysan ma dooran doonaan Madaxweyne AMNIGA suga oo horey loo soo tijaabiyey, oo ka dhavbeyn kara “dal nabad ah ayaa dowlad wanaagsan ka hana qaadaa”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *