Maxay tahay ujeedada ciidamada Itoobiyaanka ee tegey Hargeysa?

Published: January 17, 2024

Habenimadii Arbacada waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland gaaray ciidamo Itoobiyaan ah, sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Ciidankan ayaa la sheegay inay ilaalo u yihiin wefti Itoobiyaan ah ah oo heerkoodu sarreeyo, kuwaas oo imaanshohooda Hargeysa haatan aad loo hadal hayo.

Todobaadkan, waxaa la isla dhex marayay wararka ah in wefdigaas ay tegayaan Hargeysa.

Itoobiyanka ayaa amnigooda ku halayn waayey maamulka Somaliland, waxaana wararku sheegayaan in loo baahdey ciidamada gaarka ah ee Itoobiyaanka.

Horseed Media