Maxkamada Adduunka oo go’aan kasoo saartay dhul-boobka ay Israa’iil ka wado Falastiin

Published: July 19, 2024

Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa Jimcihii xukuntay in joogitaanka Israa’iil ee dhulka la haysto ee Falastiin uu yahay sharci-darro, waxayna ugu baaqday inay joojiso deegaamaynta ay ka dhisayso Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa bogaadiyay go’aanka halka ra’iisul wasaaraha Israa’iil Binyamin Netanyahu uu sheegay in aysan waxba ka bedeli karin.

Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in joogitaanka Israa’iil ee dhulka Falastiin uu yahay “sharci darro” waxayna ugu baaqday in dhismaha deegaamaynta si degdeg ah loo joojiyo, amarkan oo ah mid aan horay loo arag, oo cambaarayn ballaaran u jeedinaysa xukunka Israa’iil ee dhulalka ay qabsatay 57 sano kahor.

Israa’iil waxay qabsatay Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Marinka Qaza dagaalkii 1967-dii. Waxayna Falastiiniyiintu saddexdaas goobood u raadiyaan dawlad madax bannaan.

Garsoorayaashan oo ka kooban 15 xubnood ayaa sheegay in Israa’iil ay awoodda kula wareegtay dhulkaas. Waxa ay sheegtay in joogitaankeedu uu ahaa “sharci darro” waana in lagu soo afjaraa “si degdeg ah”.

Falastiiniyiintu waxay soo bandhigeen kiiskan bishii Febraayo iyada oo ay weheliyaan 49 waddan iyo saddex urur oo caalami ah.

Dhagaysigii bishii February, wasiirkii arrimaha dibadda ee maamulka Falastiin ee xilligaas, Riad Malki ayaa ku eedeeyay Israa’iil midab-takoorka, wuxuuna ku boorriyay maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay inay caddeyso in qabsashada Israa’iil ee dhulalka Falastiiniyiinta ay tahay mid sharci-darro ah oo ay tahay inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u soo afjarto.

Go’aankan Maxkamadda ayaa kusoo beegmay xili uu weli horyaal kiiska kale oo ay Koonfur Afrika ka keentay Xasuuqa ay Israa’iil ka wado Gaza 10kii bilood ee lasoo dhaafay.

Horseed Media