Maxkamada Banaadir oo soo saartay Waaran lagu soo xirayo Madaxweynaha Jubaland

27 November, 2024

Maxkamadda gobolka Banaadir oo waaran soo qabasho ah u jartay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Warqadan Waaranka Maxkamada Banaadir ayaa lagu sheegay in Xeer-illaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyey Madaxweynaha Jubaland kiis danbi oo ah “Khiyaano Qaran” iyo faldanbiyeed lid ku ah xog la wadaagid dal shisheeye iyo jabin dastuurka & midnimada Qaranka.

Maxkamada Banaadir ayaa fartay taliyaha Booliiska fulinta amarkan.