Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Shalay xukun dil ah ku ridday C/llaahi Cali Aaden oo qeyb ka ahaa weerar Sanad ka hor lagu qaaday Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2019/11/Shabaab-1.jpg)
Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday dambiile eeeaysane Cabdullaahi Cali Aadan.
Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, isla markaana uu ka qeyb qaatay weerarro iyo dilal loo geystay Askar ka tirsanayd Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo DadShacab ah.
HORSEEDMEDIA