Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukuno ku riday Xubno ka tirsanaa Al Shabaab- Video

Published: January 31, 2022

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee gobolada Mudug iyo Ceyn ayaa xukuno iskugu jira dil toogasho iyo xabsi ku riday 7 qof oo ku eedeysnaa Al-shabaabnimo kulan ay Gaalkacyo ku yeelatay.

Eedeysanayaasha oo ah dhalinyaro da’adooda u dhaxeysay 16 – 20 sano jir, ayaa la sheegay in ay ku biireen Al Shabaab sanadii 2017.

Maxkamada ayaa 4 eedeysane oo da’adoodu tahay 19 – 20 ku xukuntay dil, kuwaasi oo loo heystay falal dil ah; halka 2 kamid ah oo da’adoodu tahay 18 sano jir lagu xukumay xabsi 20 iyo 30 sano ah, hal eedaysane oo ah 16 sano jir ayaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah.

Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur oo soo dhaweeyey xukunkan isagoo bartiisa Facebook ku shaaciyey qoraalkan:

Waxaan soodhawaynayaa Xukunada isugu jira Dilka iyo Xabsiga oo ay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 7 kamida Argixisadii sida dhuumaalaysiga iyo naflacaarinimada ku layn jiray Haldoorka iyo Labeentii Magaalada Gaalkacyo ugu danbayntiina aan gacanta ku soodhignay.

Waxaan Bogaadinayaa Shaqada culus ee Maxkamada Ciidamadu ka wado Gobolka Mudug iyagoo sii wadi doona Xukunka eedaysanayaasha oo wali qaar badani dhimanyihiin.

Waa dhamaatay wakhtigii gobolkaanu Argagixisadu siday rabto ka yeeli jirtay, marna lagama yaabo kana yeelimayno in ay labeenta Bulshada gobolkaan si xaqdaraa udaato dhiigoo, mid kasta oo maalin dariiqaas marayna waxaanu balan qaadaynaa inuu jasadkeeda mari doono.

Bulshadana waxan ugu baaqayaa inay soo sheegan cid kasta oo ay Amnidaro ku tuhmayaan,waana mahadsantihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *