Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ku Riday Xubno Ka Tirsan Alshabaab

Published: December 16, 2020

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday eedeeysanayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo horey Maxkamadda u dhageysatay eeda loo heystay.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Cumar Aadan Maxamed oo 29 jir ah iyo Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaashaha Alshabaab iyo dilal ay ka geysteen magaalada Muqdisho ay qirteen in ay ka dambeeyeen dilalka marxuumiinta kala ah.

1-Saddex Alifle dowladda hoose, Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo lagu dilay suuq Boocle, degmada Dharkeynley,taariikhdu markey aheyd 12-10-2019.

2-Dable xoogga, Cali Cabdulle Maxamed oo lagu dilay suuqa Weyn, degmada Wadajir taariikhdu markey aheyd 13-11-2019, iyadoo ciidamada amnigu qabteen dilka marxuumkan kaddib.

Ugu dambeyn Guddoomiye Shuute ayaa ku dhawaaqay in raggaas lagu diray xukun dil toogasho ah, waxaana uu sii raaciyey hadalkiisa in cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamadda uu u furan yahay racfaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *