Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukuno ku riday rag loo haysto qal-qalgelin amni

Published: September 10, 2024

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar, Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu ridday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada.

Baaris dheer iyo marxalado kala duwan oo ay soo martay dacwadda eedeysanayaashan kadib ayay ugu dambayn maanta xukun ka soo saartay maxkamadda kiiska eedeysanayaasha kaas oo u dhacay sidan:-.

1- Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi ayay Maxkamadda sare ku xukuntay in ay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah “Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

2- Dable Xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayay maxkamadu ku xukuntay Todobo sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Xoogga Cabdiqani Cali Xaaji 6- Dable Xoogga Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayay Maxkamadda sare ee Ciidamada QS ku xukuntay min seddex Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Horseed Media