Maxkamada Ciidamada Qalabka sidda oo xukun ku riday nin lagu helay in uu ka tirsanaa Alshabaab.

Published: March 8, 2020

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka  8-sannadood oo xabsi ciidan ah ku riddayeedaysane Muuse Maxamed  Axmed oo lagu helay in uu ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa xustay in eedaysane Muuse Maxamed Axmed uu Al-shabaab u qaabilsanaa farsameynta agabka qarxa, gaar ahaanna bumbooyinka loo yaqaanno F1. Qareenka u doodayay eedaysane Muuse, ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto, maadama uusan aqoon u lahayn wax yaabaha lagu soo qabtay, balse ay dad kale u soo dhiibeen.

Garsooraha Maxkamadda, ayaa sheegay in xukmane Muuse Maxamed Axmed uu haysto fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *