Maxkamada ICJ Oo Dhageysanaysa Kiiska Ka Dhan Duqaynta Israil Ee Qaza

Published: January 11, 2024

Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ, ayaa maanta dhageysaneysa kiis ka dhan ah Israa’iill oo ku saabsan dagaalka Qasa iyo duqeymaha Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta.

Dowladda koonfur Afrika ayaa gudbisay dacwaddaan waxaana ay ka dalbatay maxkamadda in ay ka baaraan degto go’aanka laga gaarayo arrintaan. Balse Israa’iil ayaa si adag u diiday eedaymaha loo jeediyay.

Horseed Media