Maxkamada Maraykanka ayaa diiday in eheladii dadkii ku dhintay 9/11 la wareegaan Hantida bangiga Afgaanistaan

Published: August 27, 2022

Garsooraha Maxkamada degmada Manhattan ee Maraykanka ayaa diiday codsi ka yimid ehelada dadkii ku dhintay weeraradii 11 September 2001, in lagu wareejiyo 10 Bilyan oo dollar oo ah Hantidii Bangiga Dhexe ee Afgaanistaan u taala Maraykanka iyo dalalka reer Galbeedka.

Ehelada qoysaskan ayaa ku doodaya in kooxda Taliban oo hada la wareegtay dowlada Afgaanistaan ay ahayd middii gabaadka siisay kooxdii geysatay weeraradii 9/11 ee Al Qacida.

Lacagtan ayaa $7 Bilyan oo kamid ah ku xanibantahay bangiyada laga leeyahay wadanka Maraykanka.

Dalalka reer Galbeedka oo uu Maraykanka ku jiro ayaa xayiraad saaray hantidii Bangiga dhexe ee Afgaanistaan u taalay dibada, kadib markii ay kooxda Taliban markale la wareegtay awooda dalkaasi sanadkii hore Agoosto 2021.

Garsooraha Maxkamada Manhattan ee magaalada New York, Judge Sarah Netburn ayaa sheegtay in Hantida Qaranka Afgaanistaan hadii lagu wareejiyo ehelada dacwada soo gudbiyey in go’aankaas uu noqonayo mid si dadban u aqoonsanaya dowlada Talibanka.

Dowladaha reer galbeedka ayaa diiday in Taliban ay u aqoonsadaan dowladda sharciga ah ee Afgaanistaan, waxaana lacagtaasi ay noqotay mid mugdi ku jirta. Aqoonsi la’aanta dawladda Taliban waxay wiiqaysaa lahaanshaha hantida bangiga dhexe ee la xayiray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *