Maxkamadda Ciidamada Banaadir oo dil ku xukuntay Taliyihii degmadda Heliwaa

Published: April 6, 2024

Maxkamadda Ciidamada ayaa dil toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan (Qoslaaye) oo ahaa taliyihii Heliwaa, Kabtan Booliiska ka tirsan iyo Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone.

Waana qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen 24/02/2024.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka xayuubisay darajadiisa ciidan, kana saartay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye iyo Qoone.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar, Waana abaabulaha kiiskan khaarijinta ah oo uu kasoo agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay midkiiba 10-Sano oo xabsi Ciidan ah.

Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba-galka iyo shaxda dhicista ayaa sidoo kale lagu xukumay 10 sano.

Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.

Rafcaan waa furan yahay sida lagu sheegay bayaanka maxkamadda.