Maxkamadda ciidamada oo 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin ku eedeysan inuu katirsanaa Al-Shabaab

Published: March 5, 2023

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose, isagoo ku eedeysan inuu tuurista Bam-gacmeedka u qaabilsanaa Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Ayuub uu horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, waxaa uuna soo maray xarunta dhaqan celinta ee loogu talagalay kuwa ka soo haray fikirka Al-shabaab.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Ayuub uu dib ugu laabtay Al-shabaab kadib markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta ee la fasaxay.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Horseed Media