Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay askar katirsan ciidamada Dowladda

Published: February 18, 2023

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun Toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u Dilay Abukar Maxamed Sheikh Nuuraani (Abirimo) & Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif.

Qaasim ayaa lacag dhan 5,000 Sh.so (Shan kun oo Shillin Soomaali ah) nafta u dhaafiyay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) oo Ganacsi yar ku lahaa Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Xasan Juulle Shaakir ooku sugnaa Bar lacagaha looga qaado Gaadiidka oo ku taalla Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxa uu dilay Cali Taliye Cariif oo waday Mooto nooca loo yaqaan Bajaaj.

Ragan la toogtay ayaa katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaana horey digniin ugu dirtay Ciidamada dhibaatada u geysta Shacabka.

Horseed Media