Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland oo dil toogasho ku fuliyay Askar ku eedeysnaa inay dil geysteen

Published: November 17, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu eedeeyay in ay dil ka geesteen deegaannada Jubbaland

Labada nin ayaa lagu kala magacaabaa Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo lagu eedeeyay dilka marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo Cabdi Xasan Isaaq oo lagu soo eedeeyay in uu dilay Axmed Xuseen Cismaan.

Yuusuf Cabdille Ismaaciil iyo Cabdi Xasan Isaaq oo ah labada eedeysane ee Maxkamadda ay maanta toogashada ku fulisay ayaa ka tirsan Ciidanka Qalabka Side ee Jubbaland, kuwaas oo ahaa Dablayaal.

Xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa yiri “in dilka labadan qof uu iyagana daawo u yahay Ummaddana ay ku kala nabad galeyso” waa sid uu hadalka u dhigayee.

Horseed Media