Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo la soo taagay rag ku eedeysan Qaraxii Isgoyska Zoobe-Sawiro

Published: January 1, 2018

Rag lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2017 ka Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa la soo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, iyadoona la dhageystay dacwadda loo heysto

Eedeysanayaasha dacwadda loo heysto ayaa gaaraya ilaa 5 qof, mid ka mid ah waa uu ka maqnaa maxkamadda.

Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad ee Xasan Aadan Isaaq Cali loo heysto in uu ka tirsanaa ururka Al-shabaab isla markaana madax ka ahaa qeybta fulisa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan mas;uulna ka ahaa labadii gaari ee ku kala qarxay Isgoyska Zoobe iyo Wadada Dan-wadaagaha degmada Wadajir.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa

Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah

Xasan Aadan Isaaq Cali

Cabduweli Axmed Diiriye.

Cabdul Cabdi Warsame Cali

Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble

Gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa dhegaysi iyo dood dheer kadib sheegay in dhageysiga dacwadda eedeysanyaasha dib la` isugu soo laaban doono maalinta Khamiista ah oo ku beegan taarrikhda 4-1/-018.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *