Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukuno ku riday xubno lagu soo eedeyay ururka Daacish

Published: August 2, 2018

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku ridday labo nin oo ka tirsanaa Ururka Daacish, kuwaasoo maalmo ka hor Maxkamadda ay u fariisatay dhageysiga dacwada loo heysto.

Mahad Maxamuud Cabdi Abuu Yaasiin iyo Maxamed Daa`uud Daahir Warsame oo ah labada nin ee maxkamada ay xukunka ku riday ayaa la sheegay in ay ku mashquulsanaayeen abuuridda koox ka dagaalanta Soomaaliya ka horna ay madax ka ahaayeen ururka Daacish-ta Soomaaliya,sida ay sheegeen garsoorayasha maxkamada.

Maxkamada ayaa ku eedeysay Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin oo ah Soomaali haysta dhalashada dalka Ruushka in uu ku mashquulsanaa sidii uu u aas aasi lahaa Koox Daacish ah oo ka dagaalanta Koofurta Soomaaliya,halka Maxkamada ay sidoo kale Maxamed Daa`uud oo loo yaqaano Dr. Raage kusoo eedeeysay in uu isna ku mashquulsanaa sidii uu lacago ugu soo ururin lahaa kooxdan cusub ee ay aas-aasi lahaayeen,waxaana maxkamadu ay intaa ku dartay in ninkan uu ku dhuumaaleysanayay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ugu dambeyn akhriyay xukunka lagu riday labadan eedysan, ayaa waxa uu sheegay in raggan lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ciidan ah, isagoona tilmaamay in cidii aanay ku qanacsaneyn go’aanka maxkamada ay u furan tahay Racfaan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *