Maxkamadda Ciidanka oo xukunno kala duwan ku riday Sheegow iyo illaaladiisii

Published: November 2, 2023

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ku riday Jeneraal Sheegow & illaaladiisa oo loo heystay dagaalkii ka dhacay gurigiisa bishii Agoosto.

Sheegow Axmed Cali ayaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo Bixinta Diyada Askari la sheegay inuu dagaalka ku dhintay.

Askariga Diyadiisa lagu xukumay ayaa la oron jiray Sakariye Maxamed Cali.

Waxaa Jeneraalka sidoo kale lagu xukumay inuu magdhow siiyo sarkaal-xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo dhaawacay.

Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) oo ahaa taliyaha illaalada Sheego ayaa lagu xukumay dil toogasha ah. Ninkan ayaa sidoo kale loo heystay dilka labo eedaysane oo uu ku dilay maxkamada Jowhar 13kii Feberaayo 2023.

Illaaladiisa 18 kamid ah ayaa lagu xukumay xabsi ciidan oo ah 6 sano. Halka 2 kale oo dhac lagu eedeeyey lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah iyo bixinta hantida ay dhaceen (Teleefono).

Maalgeliyaha kooxdan oo lagu magacaabo Deeqo ayaa isagana lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.

Horseed Media