Maxkamadda dambiyada culus ee Puntland oo xakuno kale duwan ku riday eedeysanayaal

Published: March 7, 2017

Maxkamadda dambiyada culus ee Puntland-Soomaaliya ayaa la horkeenay eedeysanayaal ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ee ka dagaalama buuraha Galgala.

Eedeysanayaasha ayaa garaayey 6 ruux, waxaana lagu kala magacaabaa Cabdiwaaxid Macallin Axmad, Maxamad Cali Xuseen, Yaasiin Maxamad Cabdi, Cabdullaahi Cabdraxmaan Barre, Ibraahim Yuusuf Muxidiin iyo Maxamad Cabdiqani Xasan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale la soo taagay laba eedeysane oo ku eedeysnaa in ay nin ku dileen degmada Qanadala, kuwaasi oo ka tirsanaa ciidanka difaaca Puntland.

Dhegeysiga kiiska iyo eeda xeer ilaalinta kadib ayaa lagu xakumay dhalinyarada xakun xabsi ah oo 10 sano ah.

Maxkamadda ayaa xakun dil toogasho ah sidoo kale ku riday labada askeri oo lagu kala magacaabo Mubaarag Mire Muumin iyo Feysal Ibraahim Cali

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xakunka.

Sidoo kale gudoomiyaha maxkamadda Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in xakun lagu riday dhalinyarada uu ka furan yahay rafcaan soddon malmood gudahood ah.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *