Maxkamadda dastuurka ee Puntland oo codsi u dirtey Garyaqaanka guud ee dowladda

Published: August 8, 2023
Guddoomiaha Maxkmadda sare ee Puntland
Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo tan dastuurka Puntland Dr Xassan Yusuf Nuur

Maxkmadda dastuuriga ah ee Puntland ayaa qoraal ku taariikheysanaa maalintii shalay ee 7 Agoosto, 2023, u gudbisey garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud.

Qoraalka Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo ku saxiixnaa guddoomiyaha maxkamadda Dr Xasan Yuusuf Nuur ayaa lagu sheegay in cabasho uu qareen ka yahay Abuukate Cabdijaliil Siciid Xaashi isaga wakiil ka ah Madasha ay ku midoobeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland uu jawaab ka soo bixiyo garyaqaanka guud ee Puntland

Cabashada ayaa lagu sheegay in la xiriirto wax ka bedelka dastuurka iyo doorashooyinkii goloyaasha deegaanka, kuma cadda qoraalka maxkmaddu dirtey in muddo loo qabtey garyaqaanku uu ku soo jawaabo.

Maxkamadda dastuuriga waxaa yaala kiis kale oo weyn oo uu soo gudbiyey urur siyaasadedka mucaaradka ah ee Mideeye, kaas oo ku saabsan wax ka beddelka dastuurka lagu sameeyey ilaa 11 qodob.

Horseed media