Maxkamadda gobolka Bari oo amartey in la soo xiro Nabadoon Cabdulqaadir Xarago iyo odoyaal kale

Published: April 25, 2024
Shares4

Qoraal ku mudeysnaa 21 Abril 2024, oo ka soo maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Bari ayaa lagu amarey taliyaha Booliska gobolka Bari in uu soo qabto afar oday oo uu ku jiro Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Ugaas (Xarago). Maxkamadda oo cuskaneysa codsi ka yimid Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale waaran u jartey odoyaasha kala ah:

  1. Axmed Maxamed Maxamuud
  2. Axmed Xaaji Xasan Galaal
  3. Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf.

Qodobada loo cuskadey ee lagu eedeeyey odoyaashan ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ayaa ah Kicin bulsho iyo in ay amaanka khatar ku yihiin.

Odayaasha dhaqanka ee uu ku jiro nabadoon Xarago ayaa loo haystaa in ay afkooda ku taageereen Dowladda federaalka ah shir lagu qabtey boosaaso oo la soo geliyey baraha bulshada, sidoo waxaa lagu haystaa in ay ka soo horjeesteen go’aanka Puntland ee ah in ay aqoonsiga kala noqotey Dowladda federaalka ah.

HORSEED MEDIA