Maxkamadda ICJ Oo Hoggaan Cusub Loo Doortay

Published: February 9, 2021

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa loo doortay gudoomiye iyo gudoomiya ku xigeen cusub.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa waxaa loo doortay garosoore Joan E. Donoghue oo u dhalatay dalka Mareykanka, halka ku xigeenkeeda loo doortay garsoore Kirill Gevorgian oo u dhashay dalka Ruushka.

Garsoore Joan E. Donoghue ayaa xubin ka ahayd maxkamadda ICJ tan iyo bishii September 2010-kii, halka garsoore Kirill Gevorgian uu maxkamadda ku soo biiray sanaddii 2005.

Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa horey u ahaa madaxwaynaha maxkamada ICJ , balse hadda markii uu mudda xileedkiisa dhameystay ayaa la badalay, tan sanaddii 2018.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *