Maxkamadda Kenya oo xukuntay in Booliiska Kenya ee loo dirayo Haiti ay tahay ‘sharci darro’

Published: January 26, 2024

Maxkamad Milimani ee Nairobi ayaa maanta oo Jimce ah soo saartay go’aan inay kasoo horjeedo qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso in ciidamo ku geyso dalka Haiti, si ay u hoggaamiyaan howlgal caalami ah oo ay Qaramada Midoobay taageerto.

Hawlgalka Haiti ayaa looga gol leeyahay in lagu soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta dalkaasi oo ay faro-ba’an ku hayaan kooxo burcad abaabulan ah.

Xukunkan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Haiti ay ku baaqday in si degdeg ah loo soo diro ciidamo caalami ah si ay u caawiyaan booliiska dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyey ee sheegay inuu ciidamada ku deeqayo arrintaasi oo uu si weyn u taageerayey Mareykanka oo isagu horey ugu soo fashilay arrimaha Haiti.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horraantii bishii Oktoobar u fasaxay howlgalka ay Kenya hoggaaminayso, kaasoo la kulmay dhaleeceyn gudaha dalka Kenya iyo dacwad sharci ah oo loo gudbiyay maxkamadda Nairobi sannadkii hore.

Garsoore Enock Chacha Mwita ee Maxkamada Milimani Nairobi ayaa sheegay:

“….go’aan kasta oo ka soo baxa hay’ad dowladeed ama sarkaal ka tirsan dalka oo ah in askar booliis ah la geenayo Haiti… wuxuu kasoo horjeedaa dastuurka iyo sharciga sidaas darteedna waa mid aan dastuuri ahayn, sharci-darro ah oo aan ansax ahayn.”

“Amar ayaa halkan lagu soo saaray oo mamnuucaya in ciidamo boolis ah la geeyo Haiti ama waddan kale,” ayuu yiri Garsooraha.

Ma jiro weli wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku aadan xukunka.

Horseed Media