Maxkamadda Racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta Musuq-maasuq

Published: February 25, 2024

Maxkamadda gobolka Banaadir  ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga Dacwad la xariirta Musuq maasuq oo loo heysto saraakiil katirsan Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda,

Guddoomiyaha maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa su’aalo waydiiyay sarkaal ka socday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, isagoona sheegay in Maxkamadda ay maanta soo gabagabeyneyso kiiska la xariira Musuq maasuq.

Qareennada difacaya eedeysanayaasha ayaa dhankooda iska bari yeelay eedda, xeer ilaalinta kusoo eedeysay muwakiliintooda ee la xariirta Musuq maasuqa

Avv Cabduqaadir Qareenka eedeysane Cumar Macalim ayaa yiri: ”…Majirto cadeymo waafi ah oo la keenay dambiyada lagu soo eedeeyay ”

Avv Maxamed Xasan qareenka Difaacaya eedeysane Cabdullahi Cosoble ayaa yiri; ”…Waxaan Codsanayaa in Xuriyadiisa dib loogu celiyo Muwakilkeyga ”

Xeer Ilaaliye Ku xigeen Maxamed Kurtun ayaa maxkamadda Rafcaanka  ka codsaday in eedeysanayaasha ku xukunto dambiyada ay kusoo eedeeyeen.

Sarakiishaan ayaa waxaa horay xukun kala duwan ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir, hayeeshee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaadatay, waxaana ay isugu jiraan kuwo dalka ku sugan iyo kuwo ku maqan dalka dibaddiisa.