Maxkamadda sare ee ciidamada oo markale xukuntay Qoslaaye iyo kooxdiisii

Published: July 18, 2024

Maxkamadda Sare ee Ciidamada QS ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa Ex-dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisii oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay 22-dii bishii February ee sanadkaan 2024.

Maxkamadda ayaa Ex-dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Ex-Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

Waxaana Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka Maxamed Cadaawe Cali, Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Todobo sano oo Xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa hore xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan 6dii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.