Sharci uu saxiixay Madaxweyne Joe Biden bishii Abriil ayaa ka joojinaya TikTok inay ka shaqeyso Mareykanka ilaa shirkada Shiinaha, ByteDance, ay iibiso saamiga shirkadda Janaayo 19-keeda.
Maamulka Biden wuxuu ku eedeeyay TikTok inay u ogolaato dowlada Shiinaha inay aruuriso xogta muwaadiniintooda istimaala aallada oo ay u basaasto. TikTok waxay ku doodaysaa in sharcigu ku xad gudbayo xuquuqda hadalka.
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa dhageysan doonta racfaanka TikTok jimcaha ee sharci ku qasbaya milkiilaha Shiinaha inuu iibiyo aallada caanka ah ee fiidiyowga lagu wadaago internetka ama la xiro.
Waxa saxeexay madaxweyne Joe Biden bishii Abriil, sharcigu wuxuu TikTok ka xannibi doonaa dukaamada app-ka Mareykanka iyo adeegyada martigelinta websaydhka ilaa ByteDance ay iibiso saamigeeda Janaayo 19-keeda.
Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay TikTok in ay u ogolaato Beijing in ay aruuriso xogta oo ay basaaso isticmaalayaasha ayna tahay marin lagu faafiyo dacaayadda. Shiinaha iyo ByteDance ayaa si adag u diiday eedayntaas.
Go’aanka xukuumada Biden ayaa waxaa si weyn gadaal uga riixayey shirkadaha Mareykanka iyo xildhibaanada taageersan Israel oo Tiktok u arka mid sabab u ahayd kacdoonka shacabka gaar ahaan dhalinyarada Mareykanka ka sameeyeen xasuuqa ka socda Gaza.
Horseed Media