Maxkamadda ayaa sheegtay in sharcigan uusan ku xad-gudbin Qodobka koowaad ee Dastuurka Mareykanka ee ilaalinta xorriyadda hadalka.
Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa maanta oo jimce ah taageertay in TikTok app-ka caanka ah ee muuqaalka gaaban ay iibiso shirkaddeeda iska leh ee Shiinaha ee ByteDance ama laga mamnuuco Maraykanka Axadda sababo la xidhiidha ammaanka qaranka – tani oo dharbaaxo weyn ku ah dadka isticmaala oo gaaraya ku dhawaad kala bar dhammaan shacabka Mareykanka.
Garsoorayaasha ayaa si wada jir ah u go’aamiyay in sharcigan, oo ay cod aqlabiyad ah labada xisbi kumeel mariyeen Congress-ka sannadkii hore uuna saxiixay madaxweynaha Dimuqraadiga Joe Biden.
Maxkamadda ayaa sheegtay in sharcigan uusan ku xad-gudbin Qodobka koowaad ee Dastuurka Mareykanka ee ilaalinta xorriyadda hadalka. Garsoorayaasha ayaa ansixiyey go’aankii maxkamada hoose.
TikTok waa mid ka mid ah aaladaha ugu caansan baraha bulshada ee dalka Mareykanka, waxaana adeegsada ilaa 270 milyan oo Mareykan ah – ku dhawaad kala bar dadka dalka, oo ay ku jiraan dhalinyaro badan.
Shiinaha iyo Mareykanka oo isku haya dhaqaalaha iyo siyaasada, ayaa lahaanshaha TikTok ee Shiinaha iyo saameyntooda sanadihii lasoo dhaaafay walaac ku beertay shirkadaha iyo madaxda Mareykanka.