Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo Xoojisay Xasaanadda Madaxweynaha

Published: July 2, 2024

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhaleeceeyay go’aankii Maxkamadda sare ee Isniintii ay ku siisay xasaanad dheeraad ah Madaxweynihii hore ee Donald Trump oo hada wajahaya eedeymaha la xiriira weerarkii 6dii Janaayo 2021 lagu qaaday Aqalka Baarlamaanka Mareykanka.

“Qarankan waxa lagu aasaasay mabda’a ah in aanay boqorro ka jirin Ameerika. Qof kasta oo naga mid ah waa u siman yahay sharciga…Ma jiro qof sharciga ka sarreeya, xitaa Madaxweynaha Maraykanka,” ayuu yiri Madaxweyne Biden oo kasoo horjeestay xasaanadda dheeraadka ah oo ay Maxkamada siisay Madaxweynayaasha Mareykanka.

Go’aanka Maxkamada ayaa qeexaya in Madaxweynaha Mareykanka aan wax maxkamad ah loo soo taagi karin go’aanada uu qaato inta uu hayo xilka Madaxweynaha ama adeegsanayo awoodaha xafiiska Madaxweynaha.

“Go’aankan waa mid khatar ah, sababtoo ah Sharciga Dalka ma xakameyn doono awoodda xafiiska Madaxweynaha, xitaa awood umma yeelan doonto Maxkamadda Sare, xaddidaadda kaliya ayaa noqon doonta mid ku jirta gacanta madaxweynaha kaligiis” ayuu yiri Joe Biden Madaxweynaha xilka haya.

Garsoorayaasha Maxkamada Sare oo go’aankan ku kala qeybsamey, ayey sadex kamid ah diideen in xasaanadan xad dhaafka ah la siiyo Xafiiska Madaxweynaha, halka 6 Garsoore oo ah kuwii ay soo magacabeen xisbiga Jamhuuriga ay taageereen go’aankan.

Kiisaska dacwada ee laga gudbiyey Madaxweyihii hore Donald Trump ayaa hakad ku jiray kadib markii Maxkamada Sare la horgeeyey dooda la xariirta heerka uu gaarsiisan yahay Xasaanada madaxweynihii hore.

6dii Janaayo 2021, kooxaha midigta fog iyo taageerayaasha Trump ayaa xoog ku galay dhismaha Kongress-ka, halkaas oo uu ka dhacayey fadhiga ansixinta natiijadii doorashadii madaxtinimada ee 2020.

Shan qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah ayaa ku dhintey weerarkaasi.

Horseed Media