Maxkamadda Sare ee Somalia oo dhageysaneysa dacwadda Himilo Qaran

Published: November 12, 2019
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka dhawaajiyay in dhawaan ay bilaabi doonaan dhagaysiga dawcad ka dhan ah hay’adda socdaalka iyo Duulista Hawadda uu soo gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran.

Baashe wuxuu warbaahinta VOA u sheegay ” in Maxkamadu tahay mid madaxa-bannaan oo go’aamadeeda meel kale looga soo yeerin, sidaa daraadeed bilaabi doonaan dhageysiga dacwada uga timid Xisbiga Himilo Qaran gaar ahaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed”.

“Sharciga Garsoorka dalka waxaa uu qabaa haddii dacwad la soo gudbiyo inay u gudbiyaan cida laga dacwoonayay markii ay ka soo jawaabaana dacwada la guda galo”

ayuu yiri Baashe.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in dacwadan ay tahay mid sharciga waafaqsan, isla markaana wax faragelin ah aysan kaga imaan madaxda dowlada iyo heyadaha fulinta dalka, kana iman Karin.

Hoggaamiyaha xisbiga Himilo, Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay hay’adda Duulista Hawadda in ay iska hortaagtay socdaal uu doonayay in uu ku tago magaalada Kismaayo bishii October xili uu doonayay in uu ka qeybgalo munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *