Maxkmada Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda

Published: February 2, 2023

Maxkmada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay afar askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Afartaan Askari ayaa lagu helay falal dil ah oo ay hore u geysteen.

Askartan ayaa kala ah:

1- Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa.

2- Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa.

3- Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Boliiska ka tirsanaa.

4-  Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.

Horseed Media